Google search engine
HomeWararka MaantaMuxuu yahay dagaal beeleedkan dad badani ku dhinteen oo ka socda Gobolka...

Muxuu yahay dagaal beeleedkan dad badani ku dhinteen oo ka socda Gobolka Galgaduud?

Sahan media Muqdisho: Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ugu yaraan 30 qof ay ku dhinteen tira intaasi ka badanna ay ku dhaawacntay, dagaal u dhaxeeya laba beelood oo oodwadaag ah kaas oo ka dhacay inta u dhaxeeysa Qalanqale iyo Laandheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo qarxay arroornimadii hore ee maanta ayaa waxaa uu salka ku hayaa aanooyin qabiil .

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in muddo bil iyo bar ka hor ah uu dagaal sidan oo kale ah uu dhexmaray labadan beelood ee hadda dagaalamaya.

Maamulka Gobolka Galgaduud ayaa horrey isugu dayey in labada beelood ay wadahadallo dib u heshiisiin ah ku yeeshaan magaalada Dhuusamareeb si xal looga gaaro colaadda, balse aanay taasi ku guuleysan kadib markii ay labada beelood ka madax adeeygeen in ay aqbalaan gogoshii nabadeed ee loo fidiyay.

Wararkii ugu dambeyay ayaa hadda sheegaya in ciidamada dowladda federaalka ah iyo kuwa Galmudug ay ku baxeen dagaalka oo ay ku sii socdaan goobta dagaalka, si ay u kala dhex galaan labada beeleed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments