Google search engine
HomeWararka MaantaRaila odinga ma ka guulaysan karaa Fawsiya Xaaji Aadan?

Raila odinga ma ka guulaysan karaa Fawsiya Xaaji Aadan?

Sahan media Muqdisho: Iyadoo uu bilowday ololaha madaxtinnimada Guddoonka Midowga Afrika (AUC) ayaa Shir jaraa’id ay ku qabatay magaalada Muqdisho, Fowsiya Xaaji Aadan si rasmi ah ugu shaacisay musharraxnimadeeda guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Fowsiya, oo ah siyaasi muddo dheer kusoo dhex jirtay siyaasadda Soomaaliya, ayaa haddii ay ku guuleysato noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xilkan qabta.

Soomaaliya ayaa dhowaan booskan usoo sharraxday xildhibaanad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo hore usoo noqotay raysal wasaare ku xigeen iyo wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya.

Musharraxa kale ee kurisga madaxtinnimada guddigan kula tartamaya Fowsiya ayaa ah raysal wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga.

Doorashada xilkan oo ah muddo sadex sano ah ayaa lagu wadaa inay qabsoonto shirka xiga ee AU, oo la filayo in la qabto inta u dhaxeysa bilaha January iyo February 2025.

Xilkan ayaa waxaa haatan haya Moussa Faki, oo kasoo jeeda dalka Chad. Musharraxiinta ayaana codsiyadooda musharraxnimo gudbin doona bisha May ee sanadkan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments