Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanku usoo magacawday Soomaaliya Richard H. Riley, isaga oo ka guddoomay nuqulka Warqadaha safiirnimo ee Soomaaliya.
War qoraala oo lagu baahiyay Villa Soomaaliya ayaa lagu yiri” Danjiraha cusub ee Dowladda Mareykanka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Mudane Joe Biden, wuxuuna ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowladda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay qorshihiisa xoojinta xiriirka diblomaasoyadeed iyo wax wada qabsiga labada dowladood”.
Richard H. Riley, wuxuu ka soo shaqeeyay safaaradda Mareykanka ee Canada, halkaas oo uu ka yahay la taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safiirka. Horey wuxuu u soo noqday qunsulka guud ee qunsuliyadda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Peshawar ee waddanka Pakistan.
Wuxuu sidoo kale xilal sare ka soo qabtay safaaradaha Mareykanka uu ku leeyahay dalal dhowr ah. Mar wuxuu safaaradda Mareykanka ee Norway ka ahaa ku simaha safiirka iyo ku xigeenka arrimaha howlgalka ee safaaradda Oslo.
Richard H. Riley waxa uu safaaradda Mareykanka ee ku taalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan kasoo qabtay xilka ku xigeenka howlgalka ee safaaradda. Waa nin si weyn uga dhex muuqday arrimaha diblumaasiyadda Mareykanka,
Waxaa sidoo kale xilalkii uu soo qabtay: Ku xigeenka guud ee arrimaha howlgalka safaraadda Mareykanka ee magaalada Sanca ee waddanka Yemen.
Wuxuu ka mid ahaa saraakiil hoggaamineysay koox gaar ah oo Mareyknaka u qaabilsaneyd dib u dhiska gobolka Nangahar ee dalka Afghanistan. Wuxuu soo noqday Agaasime ku xigeenkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha Masar iyo dhulka Shaam.