HomeWararka MaantaSarreeye Guud Sabahattin Kılınç, Taliyaha Taliska Istiraatiijiyadeed ee Wadajirka Caalamiga oo Muqdisho...

Sarreeye Guud Sabahattin Kılınç, Taliyaha Taliska Istiraatiijiyadeed ee Wadajirka Caalamiga oo Muqdisho ku sugan

Sahan media Muqdisho: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Sarreeye Guud Sabahattin Kılınç, oo ah Taliyaha Taliska Istiraatiijiyadeed ee Wadajirka Caalamiga ah ee Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari iyo difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, xaaladda amni ee gobolka Geeska Afrika, iyo dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-Shabaab. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay wax ka qabashada faragelinta shisheeye ee la sheegay inay taageerto kooxaha argagixisada ah.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay taageerada dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, tababarrada milatari iyo taageerada dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Yuusuf Cali Maxamed, Kaaliyaha Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, iyo Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada TURKSOM, Sarreeye Gaas Sabahattin Kalkan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments