Sahan Media Muqdisho: Ayadoo xisbiga dimoqaraadiga ee Maraykanku uu ku guulaystay aqlabiyadda labada aqal ee uu ka kooban yahay Koongareeska, ayey arrintaasi siyaabo kala duwan u saameysay saaxibada siyaasadeed ee Somaliland ay ku leedahay aqalka iyo guud ahaan siyaasadda Maraykanka.
Shaqsiga ugu weyn ee meesha ka baxay oo kursigiisii looga adkaaday waa Scott Perry, ninkii miiska soo saaray 12 Juun 2025, xeerka qabyo qoraalka ah ee la yiraahdo ‘xeerka madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland – H.R. 3992’ si loo meel mariyo. Ilaa hadda Koongareesku ma uusan ansixin xeerkaas qabyo qoraalka ah.
Perry waa mudane ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga oo laga soo doortay gobolka Pennsylvania, waxaana ka guulaysatay Janelle Stelson oo ka tirsan xisbiga Dimoqaraadiga.
Hadal qoraal ah oo uu soo saaray markii laga guulaystay ka dib ayuu ku yiri Scott Perry “Anigoo u adeegayey dadka bartamaha-koofureed, Pennsylvania waxay ka mid ahayd sharafta ugu weyn noloshayda. Waxaan si aan kala go ‘lahayn uga shaqeynay sidii aan isbeddel u sameyn lahayn, aan u keeni lahayn natiijooyin macno leh, aan u horumarin lahayn nolosha, hab-nololeedka, iyo mustaqbalka, aan u ilaalin lahayn aasaaska Mareykanka, iyo inaan difaacno xorriyadda uu Ilaahay ina siiyay. Doorashadani kordhinaysaa baahida loo qabo in la dagaallamo si loo ilaaliyo loona difaaco Qarankeenna iyo hab-nololeedka Mareykanka. Waxaan koongareska ku matalay qiyamkeenna Mareykanka intii karaankeyga ah mana qabo wax qoomamo ah. In kasta oo natiijooyinka xalay aysan ahayn wixii aan rajeynaynay, haddana waxaan ixtiraamayaa go’aanka Cod bixiyeyaasha ee Degmada 10-aad, iyo wareejinta nabdoon ee awoodda oo ah tan ugu muhiimsan Jamhuuriyaddeenna”.
Janelle Stelson waxay ku guuleysatay 55% codadkii la tiriyey, halka uu Scott Perry helay 45%.Shaqsiga ugu weyn ee meesha ka baxay oo kursigiisii looga adkaaday waa Scott Perry, ninkii miiska soo saaray 12 Juun 2025, xeerka qabyo qoraalka ah ee la yiraahdo ‘xeerka madax banaanida Jamhuuriyadda Somaliland – H.R. 3992’ si loo meel mariyo. Ilaa hadda Koongareesku ma uusan ansixin xeerkaas qabyo qoraalka ah.
Perry waa mudane ka tirsanaa xisbiga Jamhuuriga oo laga soo doortay gobolka Pennsylvania, waxaana ka guulaysatay Janelle Stelson oo ka tirsan xisbiga Dimoqaraadiga.
Hadal qoraal ah oo uu soo saaray markii laga guulaystay ka dib ayuu ku yiri Scott Perry “Anigoo u adeegayey dadka bartamaha-koofureed, Pennsylvania waxay ka mid ahayd sharafta ugu weyn noloshayda. Waxaan si aan kala go ‘lahayn uga shaqeynay sidii aan isbeddel u sameyn lahayn, aan u keeni lahayn natiijooyin macno leh, aan u horumarin lahayn nolosha, hab-nololeedka, iyo mustaqbalka, aan u ilaalin lahayn aasaaska Mareykanka, iyo inaan difaacno xorriyadda uu Ilaahay ina siiyay. Doorashadani kordhinaysaa baahida loo qabo in la dagaallamo si loo ilaaliyo loona difaaco Qarankeenna iyo hab-nololeedka Mareykanka. Waxaan koongareska ku matalay qiyamkeenna Mareykanka intii karaankeyga ah mana qabo wax qoomamo ah. In kasta oo natiijooyinka xalay aysan ahayn wixii aan rajeynaynay, haddana waxaan ixtiraamayaa go’aanka Cod bixiyeyaasha ee Degmada 10-aad, iyo wareejinta nabdoon ee awoodda oo ah tan ugu muhiimsan Jamhuuriyaddeenna”.
Janelle Stelson waxay ku guuleysatay 55% codadkii la tiriyey, halka uu Scott Perry helay 45%.


