Sahan media Muqdisho: Madaxweynaha Mareykanka ayaa lagu wadaa in uu maanta soo saaro amarro culus oo lagu xakameynayo qulqulka soogalootiga sharci darrada ku soo gala Mareykanka.
Amarkan la qorsheeyey ayaa laamaha socdaalka awood dheeri ah u siinaya in ay si degdeg ah u tarxiilaan dadka sharcidarrada ah, siiba kuwa ka soo tallaaba soohdinta dalkaasi la wadaago Meksiko, islamarkaana aan la tixgelin codsiyadooda magangelyo.
In ku dhow Lix milyan iyo Bar soogalooti ah ayaa la joojiyey iyagoo ka soo gudbaya xaduudda Mareykanka mudadii uu xilka hayey maamulka Biden, taas oo u nugleysey dacaayado lagu durayo awoodiisa, gaar ahaan xilligan oo uu olole ugu jiro dib u doorasho.
Imaanshaha soogalootiga ayaa hoos u dhacay sanadkan, si kastaba ha ahaatee, in kasta oo khubaradu aaminsan yihiin in isbeddelku aanu noqonayn mid waara.
Telefishinka CBS ee Mareykanka ayaa wariyey madaxweyne Biden in uu muddaba ka fikirayey adeegsiga sharciga 1952 kaas oo u ogolaanaya in uu xaddido nidaamka magalngelyada Mareykanka.
Sharcigan oo loo yaqaan 212(f), ayaa madaxweynaha Mareykanka siinaya awoodo uu ku hakin karo shisheeyaha dalka soo galaya, haddii uu u arko in imaanshohoodu uu halis ku yahay danaha dalka.