Sahan Media Muqdisho: Cabdi Daysane ayaa ku guuleystay doorashada hordhaca ah ee xisbiga DFL, isagoo u tarmamayay kursiga Degmada 14A ee Aqalka Wakiillada – oo matalaya qaybo ka mid ah magaalada St. Cloud – ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Daysane oo u gudbay doorashada guud ayaa helay 2,262 cod, oo u dhiganta 62.52%, isagoo ka adkaaday Paul R. F. Schumacher, oo helay 1,356 cod, ama 37.48%.
Waa kursigii ugu horreeyay ee qof Soomaali ah amaba xitaa qof madow ah uu ku guuleysanayo. Badanaa ma aha kuraasta ay Dimuqraadiyiintu kusoo baxaan, oo Jamhuuriyiinta ayaa u badan,
Sidoo kale Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ku guuleysatay doorashadii hordhaca ahayd ee Xisbiga Dimuqraadiga ee degmada 5-aad ee Congress-ka gobolka Minnesota.

Doorashadaan heerka xisbi ayaa Ilhaan ka caawinaysa inay noqoto musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ee kursiga Aqalka Wakiillada Mareykanka ee doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan 3-da November 2026, oo ay isku wajihi doonaan musharixiin katirsan xisbiga Jamhuuriga ah ee dalka Maraykanka.


