Sahan media Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daah-furay toddobaadka qaran ee horumarinta kalluumeysiga Arbacadii ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay Soomaalidu ka faa’iideysan lahayd kheyraadka badda.
Sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha, dowladda Denmark ayaa qorsheyneysa in dhowrka sano ee soo socda 50% miisaaniyadda dalka ay ka imaan doonto kalluumeysiga, taasoo haddii xoogga la saaro isticmaalkeeda wax badan ka bedeli doonta dhaqaalaha dalka.
Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashi ku sameeyaan kaluumeysiga dalka, iyagoo ka faa’ideysanaya fursadaha ka jira suuqyada caalamka, dowladduna ay xoogga saari doonto sidii loo dhisi lahaa kaabayaasha muhiimka ah ee dalka, gaar ahaan dekedaha. iyo waddooyinka isku xira xeebaha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha oo u mahadceliyay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee soo qaban qaabisay shirka, ayaa xusay in dowladda Denmark ay ku dadaaleyso sidii loo heli lahaa tamar awood leh oo qiimo jaban ah, si maalgashigu u fududaado, dadka maalgashanayana ay u heli karaan koronto jaban.
Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay difaacaan dalkooda iyo kheyraadkooda, isagoo xasuusiyay doorka ay madaxdooda ka qaateen difaaca dalka iyo qarannimada.