Google search engine
HomeWararka MaantaWaa kuma Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Iran?

Waa kuma Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Iran?

Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa xaqiijiyey in madaxweyne ku xigeenka dalka Mohammad Mokhber uu noqonayo madaxweyne ku-meel gaar ah kadib markii madaxweyne Ebrahim Raisi uu ku geeriyooday shil diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

Mokhber waxa uu maamuli doonaa laanta fulinta, waxaana waajib ku ah in uu madaxda hay’adaha sharci dejinta iyo garsoorka kala shaqeeyo doorashada madaxweyne cusub, ugu badnaan 50 maalmood gudahood,” ayuu yiri.

Maxammed Mokhbar Desful, wuxuu dashay bsihii June sanadkii 1955-kii, isagoo ku dhashay magaalada taariikhiga ee Desful.

Maxammad Mokhbar waxa uu waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo sare ku qaatay Dezful iyo Ahvaz, sida ay qoreen warbaahinta Iran, waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda ka qaatay injineernimada korontada, halka shahaadada master-ka uu ku qatay maamulka.

Waxa kale oo uu shahaado ka qaatay cilmiga maamulka iyo qorshaynta dhaqaalaha, sidoo kale shahaadada doctorate-ka ayuu ku qatay sharciga caalamiga ah.

Ka dib markii la aasaasay Ciidmada Ilaalada Kacaanka Iran ee loo yaqaano IRGC, qaybtooda Khuzestan, waxaa loo magacaabay sarkaalka caafimaadka ee Dezful ee ciidamada IRGC wuxuuna xilkan hayay sannadihii ay socdeen dagaalka Iran iyo Ciraaq.

Dhammaadkii dagaalka ka dib, Mohammad Mokhbar waxa uu noqday maamulaha shirkadda isgaarsiinta ee Dezful. Waxa uu sidoo kale ahaa guddoomiye ku xigeenka Khuzestan in muddo ah.

Bishii Janaayo sanadkii 2021 kii, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, markii ay cunaqabateyn ku soo rogtay xarunta fulinta ee Farman Imam iyo madaxii xilligaas, Mohammad Mokhbar, waxay ku tilmaantay “Bahal Ganacsi”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments