Google search engine
HomeWararka MaantaWaa kuma taliyaha cusub ee ciidanka booliska Jeneraal Asad Diyaano?

Waa kuma taliyaha cusub ee ciidanka booliska Jeneraal Asad Diyaano?

Sahan media Muqdisho: Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa loo magacaabay Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi oo horey u soo hoggaaminayey ciidamada gaarka ah ee Puntand ee PSF.

Qoraalka la soo dhigay barta Facebook ee xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in taliyaha ee ay wasiiradu ansixiyeen uu yahay sarkaal aqoon iyo khibrad u leh ciidamada.

Jeneral Asad Diyaano, ayaa laba jeer oo kala ahaa sanadihii 2019 iyo 2024 u tartamay xilka madaxweynaha maamulka Puntland, labadaas jeerba wuxuu la tartamayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi, waxa uu ku dhashay magaalada Galaadi ee gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya siddeetanmeeyadii, xilligaas uu dhalanayey Asad, aabbihii Jeneraal Cismaan Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa Jabhaddii SSDF ee fadhigeedu ahaa dalka Itoobiya.

RELATED ARTICLES
- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments