Sahan media Muqdisho: Wafuud ka kala socota Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii wadi doona wada-hadallada tooska ah maalinta Talaadada ah ee uu Turkigu dhexdhexaadinayo dadaallada lagu xallinayo khilaafka u dhexeeya labada waddan ee ku saabsan heshiiskii Addis Ababa ay la gashay maamulka la baxay Somaliland.
Wufuuddan ayaa wadahadalo aan toos ahayn Isniintii ka billaabay caasimadda Turkiga ee Ankara, kuwaasoo qayb ka ah wada-hadallo joogto ah oo u dhexeeya dalalkaas, sida ay sheegeen ilo-diblomaasiyadeed oo Turkiga ka tirsan.
Dhinacyada, oo labaduba ku sugan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, ayaan si fool ka fool ah u kulmin, ilo-wareedyadu waxay sheegeen, in madaxda Turkiga ay wadaan “dublamaasiyad duulimaad ah” oo ay isku dubbaridayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan.
Kulamo gooni-gooni ah ayaa lala yeelanayaa dhinac kasta si loo helo dib-u-heshiisiin qaab-dhismeed guud ah taas oo qayb ka ah ” geeddi-socod dheer,” ayay ilo-wareedyada intaas ku dareen.
Horaantii Isniintii, Fidan wuxuu si gooni gooni ah ula kulmay dhiggiisa Itoobiya Taye Atske Selassie iyo dhiggiisa Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi.
Xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii xumaaday tan iyo markii Itoobiya ay heshiis la gashay maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland 1-dii Jannaayo si ay u isticmaasho dekedda Berbera ee badda cas.
Turkiga ayaa dadaal ugu jiray sidii loo soo afjari lahaa xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Geeska Afrika.
Itoobiya waxay lumisay dekedaheeda badda cas horaantii sagaashamaadkii ka dib dagaalkii xornimada Ereteriya, kaas oo socday 1961 ilaa 1991kii.
Wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee Turkigu dhex-dhexaadinayo oo xalay la isku mari waayay ayaa lagu wadaa in ay mar kale saaka ka furmaan magaalada Ankara.