Google search engine
HomeWararka MaantaWasiirka Koowaad Mudane Xamza oo gaaray Jubbaland

Wasiirka Koowaad Mudane Xamza oo gaaray Jubbaland

Sahan media Muqdisho: Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa tagay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland. Safarkan ayaa lagu sheegay in uu yahay dhiirrigelin uu ugu tagay ‘guusha ay ka gaareen ciidammada Jubbaland la dagaallanka Alshabab maalmihii u danbeeyey.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tagey Jubbaland booqasho uu ku dhiirigelinayo guusha taariikhiga ah ee Ciidanka Qaranka ee qalabka sida ay ka soo hoyeen dagaalladii ay dhowaan kula galeen kooxaha Khawaarijta ah deegaannada Jubaland.” Ayaa lagu sheegay war lagu baahiyey barta baraha bulshada ee xafiiska ra’iisalwasaaharaha.

Ciidamad Daaraawiishta Jubaland gaar ahaan guutada cusub ee Bir-jeex ayaa dagaal ka dhacay magaalada Buulo-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose kooxda Alshabaab ka laayey dagaallamayaal tiro badan sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha ee Jubbaland. 

Ra’iisalwasaaraha ayaa safarka ay ku weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xildhibaanno kale oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments