Sahan media Muqdisho: Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay ergeyga kumeel gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo maanta booqasho ugu tegay.
Labada mas’uul ayaa waxa ay kulankooda uga wada-hadleen xoojinta wadashaqeynta hay’adaha Qaramada Midoobay iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale uga mahadceliyey hay’adaha Qaramada Midoobay taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa ku daray inay diyaar u yihiin in si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha bini’aadamtinimada, horumarinta bulshada iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta.
Dhankiisa Ergayga aya ka mahadceliyey soo dhawaynta loo sameeyey, isagoo sheegay in Qaramada Midoobay diyaar u tahay in dowladda Soomaaliya ay gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha Xukuumadda DanQaran.
Swan oo dhowaan Muqdisho yimid ayaa wada kulamo xasaasi ah oo uu la yeelanayo madaxda dowladda dhexe, isaga oo horay ula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo ay ka wada-hadleen dhisidda guddi farsamo oo wadaag ah oo kala matalaya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo ujeedkooda shaqo uu yahay unkidda Xafiis Qaramada Midoobey ku yeelato dalka.
Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sare u qaadida iskaashi wax-ku-ool ah iyo iskuduwid sarraysa si loo gaaro ujeeddooyinka wadaagga ah ee ka shaqaynaya hannaanka kala guurka ee la qorsheeyay.