Sahan media Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafliskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowladda Britain oo uu hoggaaminayey Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Sir Philip Barton.
Kulanka ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo UK, iyadoo Ra’lisul Wasaaruhu uga mahadceliyey Dowladda UK kaalinta ay ka qaadato dib-u-soo kabashada dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, isbeddelka cimillada iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Dhankooda, wafdiga Mudane Philip Barton ayaa uga mahadceliyey Ra lisul Wasaaraha Xukuumadda soo dhaweynta dirran, iyagoo muujiyey sida ay u bogaadinayaan guulaha wax-ku-oolka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay gaareen muddadi la soo dhaafay.