Google search engine
HomeWararka MaantaXidhibaan Tim Loughton oo xarig iyo masaafurin la isugu daray

Xidhibaan Tim Loughton oo xarig iyo masaafurin la isugu daray

Sahan media Muqdisho: Xildhibaan ka tirsan xisbiga midigta ah ee Ingiriiska ayaa sheegay in laga celiyay safar uu ku tagay dalka Jabuuti sababo la xiriira xiriirka dhow ee dalka ku yaalla bariga Afrika uu la leeyahay Shiinaha.

Tim Loughton, ayaa ah xildhibaanka laga soo doorto East Worthing iyo Shoreham, ayaa sheegay in la xiray in ka badan 7 saacadood, lagana mamnuucay inuu galo Djibouti horaantii bishan. Mr Loughton, oo Shiinuhu cunaqabatayn saaray 2021, ayaa dhacdada ku tilmaamay mid “kalinimo iyo cabsi badan”. Xafiiska arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

“Waxaan ka mid ahaa wafdi ka yimid Somaliland oo dooneyay in ay hesho aqonsi caalami ah, waxay Somalia ka go’aday 1991dii, aniga waxaan soo marayay Jabuuti laakiin inta kale saaxibadey Adis-ababa ayey mareen. Waxaan kulan la lahaa safiirka si aan xog uga siiyo Somaliland. Waxaan wadanka joogi lahaa ku dhawaad 36 saacadood.”

“Waan imid. Diyaaradda ayaan ka dagay si aan fiiso u helo kaddibna aan ula kulmo qofkii ii qaadi lahaa hotelka. Markaas ayey dhibaatadu bilaabatay. Markii ay sawireen basaboorkeyga waxay I weydiiyeen waxaan qabto. Waxaan u sheegay in aan xildhibaan ahay markaas ayey xaaladda xumaatay. Kaddib meel gees ah ayey iga fariisiyeen hoolka laga soo dego. Qof kasta oo diyaardda saarnaa wuu baxay. Halkaas ayaan saacad fadhiyay.” Waxa uu sheegay in aysan cidna u sheegin waxa dhibaatadu tahay.

“Kaddib qof ayaa ilaalinayay oo qol i geeyay. Qolkaas ayaa laygu xiray. Dhowr saacadood ayaan ku jiray. Markii ay ii yimaadeen ayey ii sharaxeen in aan la ii goleyn in aan dalka galo, waxaana laysaaray diyaarad ii qaadi doonto dalkeyga. Intaas ayey aheyd, wax sharaxaad ah layma siin. 7 saac ayaan halkaas joogay intaan laysoo masaafurin oo laysoo saarin diyaarad dooxa kaddibna UK ayaan imid. Waxaan imid 24 saac ka hor xiligii aan filaayay in aan imaado. Ilaa hadda ma ogi sababta rasmiga,” ayuu yiri xildhibaan Tim Loughton.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments