Google search engine
HomeWararka MaantaXildhibaan Xaadoole oo u jawaabay xildhibaan Dhagey

Xildhibaan Xaadoole oo u jawaabay xildhibaan Dhagey

Sahan media Muqdisho: Maamulka Degmada Gubadley ayaa qabtay munaasabad loogu mahadcelinayay Madaxda Qaranka, maadaama dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu Gubadley u aqoonsaday degmo rasmi ah oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo xaflad uga qeyb galay degmada cusub ee Gubadley ayaa u jawaabay Xildhibaan Yuusuf Dhegey Ugaas oo habeeno ka hor sheegay in aqoonsiga la siiyey degmada Daarusalaam uu uga dhigan yahay inuu helay degmadii uu doorashada ka soo geli lahaa.

Xaadoole ayaa sheegay in maalmahaan uu ka maqnaa Muqdisho, balse intii uu maqnaa uu hadlay Xildhibaan is xijiyey degmada Daarusalaam oo Xaadoole uu magaceeda ku sheegay Ratiweyne oo ah xaafad ka mid ah degmooyinkaas dhowaan la aqoonsaday.

“Hadalka xildhibaankaas inaan ka jawaabo ma rabin, laakiin hadana waxaan metelaa dadkii isoo doortay, aniga kursigeyga degmo kasta oo Muqdisho ka tirsan ayaa deegaan doorashadiisa ah, Mudulood hadii baari uu ahaan jiray hadda waxaa soo baxday dhalinyaro aad ugu xiran Socail Media-ha ee yeysan idin kala dafin,” ayuu yiri Xildhibaan Xaadoole.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay dhibtay kelmadda ah “Xamar yaa leh” isagoo dalbaday in dadka la soo wado oo la tuso daafaha Muqdisho sida loo degan yahay, si ay u ogaadaan cidda Xamar iska leh.

Xildhibaan Xaadoole oo sii hadlaayey ayaa sheegay in xadgudub iyo war xumo tashiil uusan ogoleyn, balse uu jeclaan lahaa in la is xushmeeyo, “Yaan cidna lagu xad gudbin, laakiin hala xisaabtamo ayuu yiri.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments