Sahan media Muqdisho: Ugu yaraan 39 Falastiiniyiin barakacayaal ah ayaa Khamiistii lagu dilay duqeyn cirka ah oo Israa’iil ay ku qaadday iskuul ay gabaad ka dhiganayeen kumanaan qof oo barakacayaal ah oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat, ee bartamaha marinka Qaza, sida uu sheegay maamulka Qaza.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska warbaahinta dowladda ee fadhigeedu yahay Gaza ayaa lagu sheegay in ciidamada Israa’iil ay duqeeyeen hay’ad Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiiniyiinta oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tobanaan qof.
Waxa ay intaa ku dartay in xasuuqa aan joogsiga lahayn ee ciidamada Israa’iil ay ka wadaan Gaza ay caddayn u tahay in ay sii wadaan “xasuuqa” ay ku hayaan dadka reer Falastiin ee ku barakacay marinka Qaza.
Maamulka Isbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan 39-ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale. Waxa ay sheegeen in laga yaabo in dhimashadu ay sii kororto maadaama weli dadka dhibanayaasha ah la keenayo isbitaalka.
Ciidanka Israa’iil, ayaa dhankooda qirtay in ay duqeeyeen dugsiga UNRWA ee ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseirat, iyaga oo sheegay in dagaalyahannada Xamaas ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha.
Israa’iil ayaa sii waday weerarka naxariis darada ah ee ay ku hayso Gaza tan iyo Oct. 7, 2023 weerarka Xamaas inkasta oo uu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay qaraar ka soo saaray xabad joojin degdeg ah.
Ku dhawaad 36,600 oo falastiiniyiin ah ayaa tan iyo markii lagu dilay Gaza, intooda badan waa haween iyo carruur, iyo in ka badan 83,000 oo kale ayaa lagu dhaawacay, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka maxalliga ah.
Ku dhawaad siddeed bilood oo uu socday dagaalka Israa’iil, dhul baaxad leh oo Gaza ka tirsan ayaa burburay iyada oo ay curyaamisay xannibaado cunno, biyo nadiif ah iyo daawo.