Google search engine
HomeWararka DibaddaPutin: Haddii aad hubaysaan Ukraine waxaan hubayn doonnaa wadamo damacsan in la...

Putin: Haddii aad hubaysaan Ukraine waxaan hubayn doonnaa wadamo damacsan in la weeraro reer Galbeedka

Sahan media Muqdisho: Putin ayaa ku dhaliilay wadamada Reer-galbeedka hubka riddada dheer oo ay geeyeen dalka Ukraine.

Dhowr waddan oo uu ku jiro Mareykanka ayaa Ukraine siiyay oggolaansho buuxa oo ay ku garaaci karto bartilmaameedyada gudaha Ruushka. Tallaabadan oo kale waxay horseedi kartaa “dhibaatooyin aad u daran”, ayuu Putin u sheegay saxafiyiinta ajnabiga ah.

“Haddii qof uu isleeyahay waa suurtogal in hubkaas la geeyo goob dagaal oo dhulkeena lagu soo weeraro dhibaatana nagu abuurta, maxaa inoo diiday in aan hub gaarsiino kuwa aan isku aragtina nahay meelo badan oo caalamka ah oo ay dhici karaan weerarro” ayuu yiri madaxweynaha Ruushka.

“Jawaabtu waxa ay noqon kartaa mid kala duwan. Waana ka fikiri doonaa.”Ma uusan carabaabin dalalka Moscow ay hub siin karaan. Madaxweyne Putin waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay Jarmalka oo dhawaan Ukraine u sheegay in ay xor u yihiin in ay ku garaacaan bartilmaameedyada gudaha Ruushka hubka riddada dheer ee Jarmalka.

“Marka ay yiraahdaan waxaa jiri doona gantaallo badan oo an ku garaaci doonno bartilmaameedyada dhulka Ruushka, tani waxay si dhab ah u burburinaysaa xiriirka Ruushka iyo Jarmalka,” ayuu yiri Putin.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Ukraine u fasaxay in ay u adeegsato hubka uu Mareykanka keeno si ay u weerarto bartilmaameedyada Ruushka, balse kaliya meel u dhow gobolka Kharkiv.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Ukraine aysan isticmaali karin gantaallada riddada dheer ee ATACMS dhulka Ruushka.

Ukraine ayaa hubka Maraykanka u adeegsatay in ay ku garaacdo gudaha Ruushka maalmihii la soo dhaafay, sidaas waxaa wakaalada wararka ee AP u sheegay Arbacadii Senatar Maraykan ah iyo sarkaal Reer-galbeed ah.

Dagaal ba’an ayaa ka socday waqooyi bari ee magaalada Kharkiv tan iyo markii uu Ruushku u durkay xadka waqooyiga ee Ukraine. Kharkiv, ayaa ah magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine, taas oo xadka u jirka ayaa 30km.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Devid Cameron ayaa sheegay in Ukraine ay u taallo go’aan ka gaarista qaabka loo isticmaalo hubka Britain, wuxuuna ku adkeystay in ay xaq u leedahay inay weerarto bartilmaameedyada dhulka Ruushka.

Ukraine ayaa sheegtay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi lagu isticmaalo gudaha dhulka Ukraine, hay’adaha sirdoonka reer galbeedka ayaa sheegay in Ruushka uu dagaalka u adeegsanayey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments