Sahan media Muqdisho: Kooxo hubeysan oo loo maleynayo in ay yihiin Argagixiso ayaa maanta oo Sabti ah waxa ay toogasho ku dileen labo ka mid ah shaqaalaha dhismaha degmada Gaarisa oo ku dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.
Dhacdadan ayaa habeenimadii Jimcaha ka dhacday magaalada dhadhaab xilli ay shaqaaluhu nasanayeen ka dib maalin mashquul ah oo ay ku dhisayeen xarun. Booliska ayaa baaraya suurta galnimada in weerarka ay ka danbeeyeen kooxda argagixisada Al-Shabaab ee ka howlgala deegaankaasi.
Dadka la dilay oo aan u dhalan deegaanka, ayaa waxaa laga toogtay meel aad u dhow, sida ay sheegeen saraakiisha goobta booqday. Si kastaba ha ahaatee, ujeedka ka dambeeya weerarka ayaan weli caddayn.
Deegaanka xuduudka ah ayaa waxaa soo wajaha caqabado badan oo dhanka ammaanka ah, taas oo ay sabab u tahay weerarada soo noqnoqda ee argagixisada Al-Shabaab.
Dhacdadan ugu dambeysay ayaa ku soo beegantay iyadoo ay socdaan howlgallada lagula dagaalamayo dhaqdhaqaaqyada argagixisada ee gobolka. Weeraradii ugu dambeeyay ee dhacay ayaa ku qasbay dowladda in ay hakiso qorshaha lagu furayo xadka Kenya iyo Soomaaliya.