Sahan media Muqdisho:
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in burcad badeed lagu arkay iyagoo ka howlgala badweynta Hindiya oo qiyaastii 1,000 km u jirta badweynta Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay Seagull Maritime Security, markab hooyo ah (micnaha markabka wax soo afduubta ee ay saaran yihiin burcad badeedadda) ayaa lagu arkay meel qiyaastii 650 km bari ka xigta jasiiradda Socotra.
“Shirkadaha maraakiibta waxay u baahan yihiin inay feejignaadaan oo ay kordhiyaan ammaankooda markabka iyo sidoo kale inay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo laga shakiyo iyada oo loo marayo waddooyinka lagama maarmaanka ah,” ayay tiri Seagull Maritime.
Muuqaalkan ayaa imaanaya xilli Xuutiyiinta ay sidoo kale ballaarinayaan weerarada kala duwan oo ay ku qaadayaan goob la mid ah.
“Maraakiibta waa u nugul yihiin in laga qaado lacago baad ah, waxaana laga yaabaa in burcad-badeedda ay ku dhiiradaan waxa ka socda Badda Cas. Waxay noqon kartaa uun fursad, laakiin waa inaan u diyaar garownaa rajada ah inaan aragno xilli afduubyo iyo weerarro burcad-badeed oo soo cusboonaaday badda,” ayuu yiri Kabtan Rahul Khanna, madaxa la-talinta khatarta badda ee caalamiga ah ee Allianz Commercial.
Bishii hore ayay ahayd markii kooxaha burcad badeeda Soomaalida ay sii daayeen markab laga afduubtay dalka Bangaladesh oo lagu magacaabo Abdullah iyo 23-shaqaale ah oo la socday kadib markii laga qaatay lacag madaxfurasho ah oo dhan $5m. Markabka ayaa dib loo afduubay bishii March, xilli uu ka soo ambabaxay dalka Mozambique kuna sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta.
Budhcad-badeeda Soomaaliya ka timid ayaa aamusnaa muddo lix sano ah balse dhawaan waxay afduubteen dhowr markab. Ciidamada badda ayaa soo furtay doonyo kalluumeysi oo ay gacanta ku dhigeen rag hubeysan, waxaana ay ka hortageen isku dayo kale oo la doonayay in lagu weeraro. Dhawr bilood ka hor, kumaandooska Hindiya ayaa fuulay oo dib u qabsaday markabka Ruen oo ka babanaayay calanka Malta oo la qabtay bishii December, iyagoo soo badbaadiyay dhammaan 17 la haystay.
Natiijadu waxay tahay walaaca amni ee la xoojiyey ee maraakiibta baayacmushtarka, qiimaha ilaalada gaarka ah iyo ilaalada badda ee saaran markabka ayaa kor u kacay sanadkan, iyadoo burcd badeed badan ay raadinayaan inay galaan falka.