Sahan media Muqdisho: Fiisaha dalxiiska ee wadamada GCC ee midoobay ee aadka loo sugayo ayaa kor u qaadi doona safarka ‘ganacsi,shaqo ama dalxiis ee gobolka, iyadoo booqdayaashu ay si isa soo tarayso isugu dari doonto shaqo iyo dalxiis si ay u kordhiyaan safarradooda ama u sahamiyaan dalalka deriska ah.
Wadamada Khaliijka ayaa dejin doona nidaamka lagu bilaabayo fiisaha dalxiiska ah dhamaadka sanadka, kaas oo awood u siin doona soo saarista fiisaha midaysan ee GCC isla markaana u ogolaan doona booqdayaasha inay sahamiyaan dhammaan lixda waddan hal dal-ku-gal, oo la mid ah dalalka Schengen.
Intaa waxaa dheer, meelo badan oo soo jiidasho leh iyo fududaynta fiisaha ee wadamada GCC ayaa keeni doona dalxiisayaal cusub, iyada oo muhiimada sii kordheysa ay tahay in magaalooyinka gobolkaba leeyihiin goobo ganacsi iyo dalxiis oo loogu talagalay shirarka, dhiirigelinta dalxiiska, iyo bandhigyada (MICE).
Fiisahan wuxuu keenaya qaab cusub safarro ah faa’iidana u leh gobolka UAE. Sidaa darteed, baahida loo qabo martigelinta, socdaalka iyo waaxda dalxiiska ayaa sii kordheysa.