Sahan Media Muqdisho: Joojintan ayaa daba socota tillaabo hore oo keentay in kumannaan askari oo Faransiis ah ay ka baxaan dalka ku yaalla albeedka Afrika.
Niger ayaa hakisay heshiiskii militari ee ay la gashay Mareykanka “si degdeg ah”, sida uu sheegay afhayeenka milatariga ee talada haya, Colonel Amadou Abdramane, taasoo dhabarjab ku ah danaha amniga Mareykanka ee gobolka.
Heshiisku waxa uu u oggolaaday shaqaalaha millatariga Maraykanka iyo shaqaalaha difaaca rayidka in ay ka hawlgalaan Niger, taas oo door udub dhexaad u ah hawlgallada millatariga Maraykanka ee gobolka Saaxil ee Afrika, isla markaana hoy u ah saldhig weyn oo hawada ah.
Go’aanka, oo lagu dhawaaqay Sabtidii, ayaa yimid ka dib markii saraakiil sarsare oo Maraykan ah – oo ay hogaaminayaan kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ee Afrika Molly Phee iyo madaxa taliska Maraykanka ee Afrika General Michael Langley – ay booqdeen waddanka galbeedka Afrika horaantii toddobaadkan si ay ugala hadlaan isbeddelka dimoqraadiyadda.
Abdramane oo u waramayay telefiishanka maxaliga ah ee dalkaasi ayaa sheegay in weftiga Maraykanku aanay raacin hab-maamuuska dublamaasiyadeed, isla markaana dalka Niger aan laga war-helin xubnaha weftigaas, wakhtiga ay imanayaan iyo ajandayaasha laga hadlayo.
“Niger waxa ay ka qoomameyneysaa ujeedada wafdiga Mareykanka ee ah in ay u diidaan dadka madaxbannaan ee Niger xaqa ay u leeyihiin in ay doortaan la-hawlgalayaashooda iyo noocyada iskaashi ee awood u leh inay si dhab ah uga caawiyaan la dagaalanka argagixisada,” ayuu yiri Abdramane.
Ciidamada Mareykanka ayaa bishii December ee sanadkii hore dalka Niger ka shaqeynayay ilaa 650 askari, sida lagu sheegay warbixin uu Aqalka Cad u gudbiyay Congress-ka. Ciidamada Maraykanka ayaa saldhig weyn ku leh magaalada Agadez ee dalka Niger oo qiyaastii 920km u jirta caasimadda Niamey, waxaana ay u adeegsadaan duullimaadyo ilaalo ah iyo kuwo kale.
Saldhigga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Air Base 201 oo ku dhow Agadez ayaa lagu dhisay qiimo ka badan $100m. Tan iyo 2018 saldhigga waxaa loo adeegsaday in lagu beegsado dagaalyahannada ISIL (ISIS) iyo Jama’at Nusrat al-Islam wal Muslimeen (JNIM), oo xiriir la leh al-Qaacida, ee gobolka Saaxil.