Google search engine
HomeWararka MaantaErgayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo aan loo cusbooneysiin doonin muddo xileed...

Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo aan loo cusbooneysiin doonin muddo xileed cusub

Sahan media Muqdisho:

Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing ayaa shaqada ka tegaysa, iyada oo muddo xileedkeedi labada sano aan dhamaysan.

War saxaafadeed maanta lagu daabacay websiteka UNSOM ayaa lagu xaqiijiyey in marwo Catriona Laing ay xafiiska ka tegayso bisha May 2024.

Bayaan ay soo saartey Catriona Laing ayey ku tiri:

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guulaysan doonto iyo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo ay weheliyaan saaxiibadayada caalamiga ah ay sii wadi doonaan door muhiim ah oo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee haya waddada nabadda iyo xasilloonida,” ayay tiri. “Aniga ahaan Soomaaliya waxay ii tahay meel rajo iyo saaxiibtinimo, waxaana sii wadi doonaa taageerada iyo u doodista Soomaaliya meel kasta oo aan joogo.”

Mrs. Catriona Laing ayaa Soomaaliya loo soo direy bishii May 2023, inta badan ergayga SRSG ayaa muddo xileedkoodu ugu yar yahay laba sano. Waxaa jira warar sheegaya in Dowladda Soomaalya si hoose uga dacwootey in la soo beddelo haddii kale ay dalka ka cayrinayaan.

Catriona Laing ayaa in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo ah u leh diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, iyada oo horay u soo qabtay jagooyin badan oo siyaasadda dawladda UK heer qaran iyo heer caalami.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments