Sahan media Muqdisho: Masar ayaa Jimcihii daah furtay duulimaad toos ah oo isku xiraya Qaahira, Jabuuti iyo Muqdisho.
Talaabadan ayaa sida ay khubaradu sheegeen, waxa ay leedahay dhinacyo siyaasadeed iyo mid amni, marka loo eego isbedelada ka socda Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Waxa kale oo ay ka tarjumaysaa qorshayaasha Masar ee lagu taageerayo danaheeda amni, dhaqaale iyo ganacsi ee gobolka.
Jimcihii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdelatty oo uu wehliyo Wasiirka Duulista Hawada Sameh al-Hefny, ayaa socdaal shaqo oo ay shirkadda EgyptAir ku tagtay Djibouti iyo Muqdisho, ku tagay duulimaadkii ugu horeeyay ee Masar iyo labadan dal ee Afrikaanka ah.
“Daah-furka duulimaadka tooska ah ee u dhexeeya Masar iyo labada dal Jabuuti iyo Soomaaliya waxa ay ku timid qaab xiisaynaya xoojinta xiriirka iskaashiga ka dhexeeya dadyowga saddexda dal,” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Waxay kaloo ka tarjumaysaa xiriirka taariikhiga ah iyo xiriirka qotoda dheer ee Masar iyo labada ummadood, ayay Wasaaraddu ku dartay.
Guddoomiye ku xigeenka Golaha Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika Danjire Xaliimo Saalax ayaa ka hadashay saameynta siyaasadeed ee uu ku yeelan karo go’aanka Masar ay ku bilowday duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.
“Waxay ka tarjumaysaa qorshayaasha Qaahira ee lagu xoojinayo xiriirka dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga. Talaabadan noocaan oo kale ah waxay saameyn togan ku leedahay fududeynta isu socodka dadka iyo kor u qaadida dhaqdhaqaaqa ganacsi ee labada dal.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in go’aanka Masar ay ku xoojisay iskaashiga Soomaaliya iyo Jabuuti uu leeyahay “inta badan danaha amniga halka Qaahira ay doonayso inay wax ka qabato khataraha amni ee Geeska Afrika.”
Danaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ayaa kaalinta labaad ku jira, Xaliimo ayaa xustay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay wajahayaan caqabado badan oo dhanka ammaanka ah marka loo eego isbedellada ka socda Geeska Afrika iyo Badda Cas.
“Tallaabada Masar waxay ka timid xaqiiqda ah in labada waddan ay qayb ka yihiin amniga qaranka Masar,” ayuu xusay.
Xaliimo ayaa markaas sheegtay inuu xiriir ka dhaxeeyo isbedellada gobolka, sida dagaalka Gaza, xiisadda Suudaan, xaaladda ammaan ee badda cas, xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya, iyo tallaabooyinka Masar ee ku aaddan xoojinta xiriirka Geeska Afrika.
“Sidaas darteed, iskaashiga ka dhexeeya Qaahira, Jabuuti iyo Muqdisho wuxuu leeyahay dhinacyo siyaasadeed iyo amni,” ayuu xusay.
Waxa uu sheegay in Masar ay la socoto xaaladda gobolka, isla markaana ay bixiso barnaamijyo iskaashi oo lagu taageerayo hay’adaha dawliga ah ee dalalka gobolka; oo ay ku jiraan barnaamijyo iyo tababaro la siinayo kaadiriinta Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan ee amniga iyo diblomaasiyadda.