Google search engine
HomeWararka MaantaShaqo joojin kumeel gaar ah oo lagu sameeyay taliyihii xabsiga dhexe ee...

Shaqo joojin kumeel gaar ah oo lagu sameeyay taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar

Sahan media Muqdisho: Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa si kumeel gaar ah shaqada uga joojiyay Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar Gaashaanle Sare Aadan Xuseen Kulmiye sababo la xirirta shaqaaqadii dhawaan ka dhacday xabsiga Dhexe ee Xamar oo ay weli socoto baaritaanno dheeraad ah.

Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa si ku meel gaar ah u magacaabay Jeneraal Daahir Aadan Cabdulle inuu sii wado shaqada Xabsiga Dhexe.

Dhanka kale afhayeenka Ciidanka Asluubta Gaashanle sare Cabdiqani Maxamed Khalaf, ayaa sheegay in howlgalkii la soo afjaray ka dib rasaas xooggan oo muddo saacad ka badan ka dhex socotay xabsiga dhexe ee Xamar.

Afhayeenku wuxuu sheegay in ragga dagaalamayey ay tiro ahaan dhammaayeen shan ka tirsan maxaabiistii ku xirnaa xabsiga.

Afhayeen Cabdiqani, ayaa sheegay in raggii dagaalamayey oo shan ahaa dhammaantood lagu dilay dagaalkii ka dhacay goobta.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay howlgalka kaga dhinteen saddex askari, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen saddex kale oo kamid ah ciidamada ilaalada ee xabsiga dhexe.

“Waxaa maxaabiista ka dhintay 5 maxbuus waxaa ka dhaawacmay 18, askarta waxaa ka dhintay saddex, waxaa ka dhaawacmay saddex kale intas ayuu howlgalka kusoo gabagaboobay” ayuu yiri afhayeenka.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay inay socoto baaris ku aadan weerarkan, isla markaana natiijadiisa ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments