Sahan media Muqdisho: Diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay la socdeen ciidamo caalami ah ayaa maanta oo Khamiis ah ku burburtay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Dhowr ka mid ah ciidamada milateriga ee la socday diyaaradda helicopter-ka oo ay ku jiraan saddex ka tirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ka badbaaday shilkan, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa ATMIS oo ku aadan dhacdadaasi.
Hase yeeshee, ilo-wareedyadu waxay sheegeen in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda helicobter-ka la badbaadiyay.
Ma cadda in shilkan uu ka dhashay arrin farsamo iyo in uu dab colaadeed ka dhashay.
Diyaaradan oo nooca qumaatiga u kaca ah ayaa ka soo duushay magaalada Muqdisho, iyadoo ku sii jeeday garoonka Balli-doogle, halkaasoo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya ee Danab.
Balidoogle waxay 90 kiiloomitir (55 mayl) koonfur-galbeed ka xigtaa Muqdisho.