Sahan media Muqdisho: Waxaa la soo warinayaa in khasaare badan uu kasoo gaaray dad shacab ah dagaal ka dhacay duleedka deegaanka Balow Bariire, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo Al-Shabaab, kadib markii madaafiic lagu gaaracay halkaasi.
Tiro hoobiyeyaal ah ayaa la sheegay inay ku dhaceen xaafado ka tirsan tuulada Balow oo hoostagta Bariire waxaana ku dhammaaday dad shacab ah oo aan waxba galabsn.
Ku dhowaad 15 qof oo rayid ah, una badan dad beeraley ah ayay waxyeelo kasoo gaareen hoobiyeyaasha ku dhacay halkaasi, kuwaas oo dhaawacyadooda la keenay Muqdisho.
Laba kamid ah dhaawacyada lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho ayaa isbitaalka ku geeriyooday, halka kuwa kale haatan lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad. Sidoo kale dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jira dad isku qoys ah, sida carruur iyo waalidkood.
Aabe Ibraahim Siidow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in 4 kamid ah carruurtiisa ay ku dhinteen hoobiyeyaasha, halka wiil kale, hooyadiis, aabihiis iyo xaaskiisa ay dhaawac yihiin.