Google search engine
HomeWararka MaantaMudane Xamze Cabdi oo booqday masaajidka sheekh C/qaadir ee Baqdaad

Mudane Xamze Cabdi oo booqday masaajidka sheekh C/qaadir ee Baqdaad

Sahan media Muqdisho: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday Masaajidka taariikhiga ah ee Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani ee magaalada Baqdaad.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay maamulka iyo culimada masaajidka gacanta ku haya, wuxuuna uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee isaga iyo wafdigiisa loo sameeyay, iyadoo lagu soo wareejiyay afarta qaybood ee masaajidku ka kooban yahay oo lagu baran jiray afarta madhab ee Xanafiya, Shaaficiya, Maalikiya iyo Xambaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dul istaagay taariikhda iyo muhiimadda Masaajidka Shiikh Cabdulqaadir Jeylaani, oo sanad walba Muslimiin badan oo caalamka Islaamka ka socda ay soo booqdaan, Waxa uu sheegay in Shiikhu ahaa caalim Sunni ah oo diinta Islaamka faafiyay, una horseeday dad badan inay raacaan jidka xaqa ah.

Culimmada Masaajidka Shiikh Jeylaani ee Baqdaad ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Booqashadiisa, waxayna ugu duceeyeen shacabka Soomaaliyeed nabad iyo horumar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments