Google search engine
HomeWararka MaantaTaliyayaasha ciidamada gaashaandhigga iyo Nisa oo booqasho ku jooga Aadan Yabaal

Taliyayaasha ciidamada gaashaandhigga iyo Nisa oo booqasho ku jooga Aadan Yabaal

Sahan media Muqdisho: Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow iyo agaasimaha guud ee hay’adda NISA Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa maanta gaaray jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si diiraan loogu soo dhaweeyay.

Labada Taliye ayaa waxaa booqashadan ku wehlinaya guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Cali Nuur (Shuute) iyo saraakiil kale oo ka tirsan mas’uuliyiinta dowladda oo halkaas ay kusoo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Ujeedka taliyeyaasha NISA iyo Xoogga dalka ayaa ah sidii ay kormeeri lahaayeen xeryaha ciidamada, una ogaan lahaayeen xaaladda iyo dhaq-dhaqaaqyada ka jira halkaasi.

Sidoo kale waxa ay ku bixi doonaan xiisad u dhexeyo laba beelood oo walaalo ah oo ka taagan deegaano dhaca xadka kala qaybiya gobollada Hiiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Janaraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin iyo Sanbaloolshe ayaa sidoo kale la kulmi doono waxgaradka deegaanka, si ay uga xog wareystaan xaaladaha ka jiraa halkaasi.

Aadan Yabaal ayaa kamid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab, kadib wajigii koowaad ee dagaalka Al-Shabaab ee ka dhacay HirShabelle.

Weli waxaa degmadan iyo agagaarkeeda difaac uga jira ciidanka deegaanka iyo kuwa dowladda oo howlgallo culus ka wada xadka u dhexeeya labada gobol.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments